Hooyo Dil iyo dhaawac u geesatay Rag kufsi u geesanayay Gabar ay dhashay (Sawirro)

Haweeney lagu magacaabo Nokubonga Qampi ayey shacabka dalka Koonfur Afrika u aqoonsadeen “Hooyadii libaaxadda ahayd”, kadib markii ay dishay mid kamid ah saddex rag ah oo fal kufsi ah kula kacay gabadheeda, halka kuwii kalena ay dhaawacday.

Waxaa lagu soo oogay dacwad dil ah, hase yeeshee, shacabka oo kacdoon sameeyay awgeed ayey dacwad oogeyaasha u hakiyeen kiiskeeda, iyadoo markaasna fursad u heshay inay ka qeyb qaadato dadaalka lagu baxnaaninayo gabadheeda la kufsaday.

Waxay ahayd xilli habeen saq dhexe ah markii uu telefoon soo dhacay hurdada ka kiciyay Nokubonga.

Gabadh telefoonka soo wacday oo joogtay meel u jirta 500 mitir ayaa u sheegtay in Nokubonga gabadheeda oo lagu magacaabo Siphokazi ay kufsanayeen saddex nin oo ay si fiican u garanayeen.

Siphokazi waxay booqasho ku joogtay xaafad ay saaxiibadeed daganaayeen, balse waxaa laga kala tagay kadib markii ay seexatay xilli ay saacaddu ahayd abaare 01:30.

Kadib waxaa soo weeraray saddex nin oo khamri ku cabayay guri u dhawaa halkaas.

Tallaabadii ugu horreysay ee ay Mama Nokubonga qaadday waxay ahayd inay wacday booliska, balse lagama qabanin telefoonka.

Waxay ogeyd in haddii ay booliska la hadlaan xitaa ay waqti ku qaadaneyso inay soo gaaraan xaafaddeeda oo ku taalla bariga gobolka Cape.

Iyada ayaa ahayd qofka kaliya ee caawin karay gabadheeda.

“Aad baan u cabsaday, laakiin waxaan ku khasbanaa inaan baxo sababtoo ah qofka la kufsanayay waxay ahayd gabadheyada”, ayay tidhi.

“Waxaan ku fikirayay in markii aan goobta tago aan ku arki doono iyadoo dhimatay, waayo way taqaannay ragga falka geysanayay, iyagana maadaama ay ogyihiin inay taqaanno oo ay dib ka sheegi karto waxay ku fikiri kareen inay dilaan”.

Nokubonga waxay isla markiiba jikadeeda kasoo qaadatay mindi.

“Mindida waxaan usoo qaatay inaan nafteyda ku ilaaliyo inta aan dhexda kusii jiro, sababtoo ah xaafaddu amni ma ahayn”, ayey tidhi.

“Mudgi ayaa jiray waxaana shitay tooshka telefoonkeyga, si aan waddada ugu iftiinsado”.

Markii ay goobta usoo dhawaatay waxay maqashay qeylada gabadheeda. Markii ay gurigii gudaha u gashay tooshkeeda wuxuu qabtay gabdheeda oo la kufsanayo.

“Waan naxay… waxaan iska istaagay albaabkii waxaana isweydiiyay waxa ay sameynayaan. Markay i aqoonsadeen, xageyga ayey soo aadeen, markaas ayaana ogaaday in la joogo waqtigii aan nafteyda difaaci lahaa, kaasina wuxuu ahaa falcelis kadis ah”, ayey tidhi Nokubonga.

Nokubonga way ka gaabsatay inay sii faahfaahiso wixii intaas kadib dhacay.

Laakiin hal nin oo ka mid ah raggii ayaa halkaas ku dhintay kuwii kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Garsooraha maxkamadda la geeyay kiiska ka dhanka ah ragga weerarka geystay ayaa sheegay in markhaati-furka Nokubonga uu muujiyay inuu dareen hooyonimo qaaday markii ay indhaheeda ku aragtay mid kamid ah raggii oo kufsanaya gabadheeda, halka labada kalena ay iyagoo qaawan tookadooda sugayeen.

Garsoore Mbulelo Jolwana ayaa intaas ku daray: “Waxaan u fahmay inuu xanaaq ka tan batay. Laakiin sheekada markii hadda dib loo eegayo, waxa ay Nokubonga qiratay waa inay u cabsaneysay nafteeda iyo gabadheeda, wajigeedana waxaa ka muuqda murug iyo xanuun”.

Waxaa cad in markii ay xaggeeda usoo dhaqaaqeen ay kula dagaallantay mindidii ay wadatay, markii ay ku dhufatayna waxay isku dayeen inay ka baxsadaan, mid xitaa wuxuu ka booday daaqadda.

Intaas markii ay dhacday, Nokubonga maba aysan sii eegin waxa ragga gaaray, waxayna isla markiiba gabadheeda u qaadday guri kale oo u dhawaa.

Booliska markii ay goor dambe halkaas tageen, waxay xabsiga u taxaabeen Mama Nokubonga.

“Waxaan ka walwalayay gabadheyda, wax war ahna kama helin intii aan ku jiray xabsiga”, ayey tidhi.

Isla waqtigaas, dhanka kale waxaa isbitaalka taallay gabadheeda Siphokazi, taasoo iyadana ka walwaleysay hooyadeed.

Warka ku saabsan dhacdadan ayaa si weyn ugu dhex faafay bulshada, waxayna ka caroodeen xariga hooyada ay ku tilmaameen inay tahay “geesiyad”.

Waxaa dalka Koonfur Afrika dhif iyo naadir ka ah in kiis ku saabsan kufsi uu ka gudbo warbaahinta maxalliga ah, laakiin dhacdadan oo soo jiidatay indhaha caalamka ayaa la rajeynayaa inay wax ka baddasho falalka kufsiga ah ee ku badan waddankaas.

Qiyaastii 110 fal oo kufsi ah ayaa maalin kasta ka dhaca dalkaas, madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaana arrintan ku tilmaamay dhibaato qaran.

Source-BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -